Posts

A Month like no other

Image
  A month ago while I was scrolling my Facebook account, I saw a Blog Writing Training advert on the Somali public agenda for learning and development (SPACLD) Facebook page. I immediately applied and recommended two of my classmates to apply this rare training in our country. After filling out the application and going through a rigorous selection process I was fortunate to be among the beneficiaries of the training. Conversely, together with a group of talented youth, full of passion and determination to skill up, we commenced the training. The training lasted four weeks and we have taken four modules dealing with different topics of blogging skills. Each week we were attending the class on Saturday and Thursday. Saturday was a lesson day followed by assignments. Likewise, Thursday was a reflection day where our instructors invited some renowned bloggers to share with us insights and experiences e of blogging.  During the training, I faced a few circumstances because ...

A Brotherly Message to the Graduate Youth of Somalia

Image
photo from Google Thousandsds of youths graduate every year from universities in Somalia. There are also graduates from abroad universities. The number of graduates is increasing year after year. In addition to that, a considerable number of youths graduate from secondary schools and join local and outside universities. Our educational institutions produce more graduates, although their quality is not sufficient. But producing such a huge number every year is good omen for a recovering country like ours. The graduate youths encounter a range of circumstances after the graduation. The most important one is unemployment.  According to ILO, the global rate of youth unemployment is estimated at 13.1 percent, and 71 million youth worldwide were jobless in 2016. In Somalia, 70% (two-third) of the population is approximately under the age of 30 years. Somali youth unemployment rate is estimated at 67%. Lack of social services, and the absence of basic economic infrastructure fueled high u...

Dear Mom, I made it

Image
My educational journey started from Wabxo neighborhood in Galgaduud region. I managed to finish learning the Holy Quran in Wabxo. Since then, my mother enrolled me in Hassan Ali Osman Primary School. At the end of my primary education, my mother, the sole nurturer of my life, sent me to Mogadishu to complete the rest of my studies since my village didn’t offer secondary and tertiary education. In 2014, I rode a big T&M truck (literally called Tii’am in Somali) to Mogadishu. My journey took two days before safely arriving in Mogadishu. I suddenly joined Al-khaliil school in Mogadishu, Somalia’s capital. At the time, I was living at my uncle’s house. My mother used to help me all the way from my home village and send me the school fees. To support me in my new life, my mother has decided to relocate and move to Mogadishu. I have then reunited with my beloved family and we resided together in Daynile district. Our life was normal since then; my mother was responsible for our daily lif...

Maamulihii abaalka aan duugoobeynin ii galay

Image
Aabbahey ma arkin oo wuxuu geeriyooday anigoo hal sano jir ah. Hooyadey Alle ha u naxariisee ayaa halgan iyo duruuf adag igu soo korisay, waxna igu soo bartay. Markii aan  dhammeyay fasalkii labaad ee Dugsiga sare ayey hooyo awoodi waysay lacagtii waxbarashada oo aheyd $16. Subixii iskuulka la furayay ayay hooyo waxay taleefan ka wacday maamulaha iskuulka, waxayna ku tiri: Maamule, waxaan rabaa in aan kula wadaago xaalad culus oo i soo wajahday, oo aanan qarsan waayay ee goormee kuu imaadaa? "Maamo, anaa kaa fudud oo xaafaddaada kuugu immaanaya galabta"ayuuna ugu jawaabay. Galabkii ayuu guriga noogu yimid. Salaan iyo is baryeyn ka dib, hooyo ayaa ku tiri: Maamule, wiilkayga Cabdiraxmaan ah(aniga) oo aan hooyo iyo aabbe u ahay aniga ayaa waxbarashadiisa bixin jiray, waxaana igu adkaatay in aan qarashka waxbarashada ka sii bixiyo, waayo shaqo yar oo aan quudkiisa iyo waxbarashadiisa ku maareyn jiray ayaa iga soo xirantay, marka waxaan kuugu yeeray in aan kuu sheego duruuftaas n...

Aad ayuu u mahadsanyahay.....

▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofkii inta hoteel caalami ah aaday aanan boggiisa  baraha-bulshada ksoo qorin hotelkaas inuu joogo. ▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofkii la kulmey qof caan ah oo aanan ka dalbanin inuu sawir la galo,si awsan dadka asxaabtiisa ah ugu muujinin inuu yahay qof muhiim ah. ▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofkii heysta xaas wanaagsan oo raalliya ah,barararaha-bulshadana aanan ku baahin xogteeda si aw u ilaaliyo qulubta kuwa aan sidisa ahayn.  ▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofkii ka shaqeeya xafiis aad u qurxoon oo ananan so sawirin asagoo ilaalinaya dareenka dadka aan xafiisyada ka shaqaynin. ▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofka mar kasta maqaayad wax ka cuna in ka badan inta aw gurigiisa wax oo aanan haddana ku baahin baraha-bulshada sawirada raashinka aw cuno. ▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay ruux markasta kaalmeeya masaakiinta oo aanan soo siwirin masakiintii aw wax taray. ▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay ruuxii dhalay awlaad badan oo wanaagsan haddana aanan baraha-bulshad...

Sheekadii jacayl Ee Daha Hussein

 Daaha Hussain oo ahaay hormuudkii Suugaanta-Carbeed iyo xaaskiisa Suzanne Bresseau sheekadoodii jacayl waa mid kamid ah sheekooyinka sida wayn loogu dulmiyey taariilhda oo aan loo buunbuunin sida kuwa lamid ka ah ama ka hooseeyaba loo qaadqaaday.  Waxay ahayd sheeko jacayl oo aan dhici karin haddana hanaqaadday! Labadoodaba aad ayey ukala duwanaayeen, haddana waxay ku geeleysteen abyidda xariir jacayl oo qaatay 56 sano. Daaha Masar ayuu ka soo jeeday, iyaduna Faransiiska ayey ka soo jeedday, isagu Muslim ayuu aahaa,iyaduna waxay ahayd Masiixiyad haysta Diinta Kirishtanka. Isagu waxaw ka dhashay qoys sabool ah oo faramaran, iyaduna waxay ka dhalatay qoys ladan oo dabaqadda sare kaga jira bulshadooda. Intaas waxaa sii dheer inuu ahaay indhoole aan geedaha ka leexan karin,iyaduna ay aragga qabtay. Sidaas iyaga oo ukala duwan oo aysan jirin meel ay haba yaraatee iskaga dhawyihiin ayuu xiriirkooda  jacayl  jiray muddo ku siman 56 sano. Miraha jacaylkooduna waxuu naqday i...

Dhibaatooyinka in lameereeyo waxay u baahantahay hoggaamiye fogaan arag ah.

Waa garoob heysata gabar aad u qurxoon oo ay raggu dhammaan farta iskula wada fiiqeen, ninkastana siduu ku heli lahaay halgan aw ugu jiro,balse gabarta helitaankeeda ayey ku xirtay Shardi adag oo ah "in maherkeedu yahay $50 milyan oo aan hal santi la reebeynin". Wiil dhallinyaro ah ayaa go'aansaday inuu gabartaasi mar uun aw gacanta ku dhigo, shaqaystana si uu u helo lacagtaas faraha badan. Waxaw shaqeeyaba waxaw soo aruursaday lacag dhan $30 milyan . Aabbihii ayuu lawadaagay "inuu rabo inuu guursado gabar meherkeedu yahay $50 milyan, $30 milyanna uu  hadda haysto...  Aabihii: dhib malahan, xoolahaad hayso keen, nakicini aan aadno islaanta gabarta dhashaye. Wiilkii: laakiin Aabbe,gabarta hooyadeed yeeli mayso wax ka yar $50 milyan ee seed rabtaa? Aabbihii: nakeen adigu, Ilaahey ayaa xaajadaan yasiraayee. Gurigii gabartu joogtay ayey aadeen. Salaan kaddib ayuu odagii lahadlay hooyadii dhashay gabrta yirina: waxaan rabaa Inaan kula hadlo oo aadna warkeyga soo dhexgalin...

Caalimkii waynaa ee lagu magacaabi jirey Ibraahim Ibn Ad-ham (718 AD - 777 AD) ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid nin aqoon kororsi rabay.

Caalimkii waynaa ee lagu magacaabi jirey Ibraahim Ibn Ad-ham (718 AD - 777 AD) ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid nin aqoon kororsi rabay. Ninkii ayaa yiri: wax "barako"la yiraahdo ma jiraan? Ibraahiim ayaa ugu jawaabay: ma aragtay Ariga iyo Eeyaha? Ninkii: haa waan arkay. Ibraahim: yaa dhalmo badan? Nikii: Eeyaha ayaa dhalmo badan, waayo halkii mar toddobo ayey dhali karaan, lakin Ariga dhalmadiisa seddex ayaa ugu badan. Ibraahim: waayahaye,haddaad hareerahaaga fiiriso yaa ku badan Eeyahay iyo Ariga? Ninkii: Ariga ayaa ku badan. Ibraahim: saw arigu ma ahan kan maalin kasto la gawraco oo mindiyaha loo soofeysto? Ninkii: Haa. Ibraahim: barakada aad maqashay waa taas. Nikii: sidey ku dhacday in Arigu barakadaas ay muteystaan oo ay Eeyuhuna waayaan? Ibraahim: sababtu waxaa waaye, Arigu habiinkii xilli hore ayuu hurdaa, waaagu markuu baryayo oo ay raxmada Alle soo dageysana waa kaagacaa, markaasuu haleelaa barakada. Lakin Eeyuhu, habiinkii oo d...

Addunyo warkeed qof kaa wayn ka ag goob, Aakhiro warkeedna qof kaa cilmi badan.

Image
Sida dadku dhahaan, Adduunyada waxaa laga warsadaa qofka kaa weyne Aakhirana kan kaa cilmiga badane, oday waayojoog ahaay ayaa lawaydiiyay maxaad ka bartay waayihii aad u soo joogtay"? Markaas ayuu ku jawaabay sidaan: -Waxaan bartay in Aduunyadu qiimaheedu tahay Diin iyo in lagu daydo  dadkii wanaagsanaa ee horreeeyay. - Waxaan bartay in qofka la dulmiyo uu  mar aarsan doono, waqti dheerba ha ahaatee.  - Waxaan bartay in leebka  loo game xagga Alle xilliyada danbe ee habiinka inuusan beel dare naqaneynin. - Waxaan bartay in nolosho go'i karto il biriqsi kasta. - Waxaan bartay hadalka macaan iyo wajiga furfuran inuu yahay akhlaaqda hoggaankeeda. - Waxaan bartay in qofka ugu qanisan ee dul saaraan Adduunkaan uu yahay kan haysta caafimaad iyo nabad galyo. - Waxaan bartay in qofkii talaasho tiin uusan timir guranaynin. - Waxaan bartay in cumrigu dhamaanayo hawlaha Aduunyadana aysan dhamaaneynin.  - Waxaan bartay in qofkii rabo inay dadku dhagayst...

Nin waayeel ah ayaa ka sheekeeyay waxuu jeclaan jiray inuu nolosha ku dhex helo waxuuna yiri:

Nin waayeel ah ayaa ka sheekeeyay waxuu jeclaan jiray inuu nolosha ku dhex helo waxuuna yiri: Waxaan jecleystay inaan guursado, waa guursaday, nolosho awlaad la'aan nuur malahane,waxaan isla hadiiba rabooday inaan ilmo dhalo, waan dhalay ilmihii. Hdana guri la'aan ayaa igu dhacday. Waaxaan hadana jecleystay inaan guri beer qurxoon leh yeesho, dhib iyo rafaad dheer kadib waan hantiyay guri qurxoon oo beer wanaagsan leh.Balse ilmihii ayaa ii qaangaaray.Hadana waxaan rabooday in awlaaddeydu guursadaan si faraceygu u bato, waa guursadeen. Balse anigii ayaa shaqadii igu adkaatay, daal badanna waa ila soo darsay. Waxaan jecleysatay inaan iska fadhiisto si aan u nasto. Waan ka fadhiistay shaqadii,waxaan naqday mid fara marn oo aan waxba heynin sidii ahaay markaan Jaamacadda kabaxayey.Laakin sidu sidii maahan, markaan Jaamacadda ka baxayey Aduunyada ayaan xaggeeda u jeeday, se hadda ayada ayaa iga jeesatay! Wali rabitaankii Igama dhamanin! Waxaan rabooday inaan Qur...

"Maxaa nagu dhacay oo loo aqbali la'yahay ducadeynna"?

"Maxaa nagu dhacay oo loo aqbali la'yahay ducadeyna"? Ibraahim Al-adhami (إبراهيم الادهم ) baa maalin soo maray suuq ku yaala magaalada Basra ee dhacda wadanka Ciraaq, markaas ayey dadkii meel aw joogay ku soo xoomeen waxayna waydiiyeen Su'aashaan ah:"maxaa nagu dhacay oo loo ajiibi la'yahay ducadeyna"? Waxaw ku jawabay: "waxa laydinkaga aqbali la'yahay waxaa waaye in qalbiyadiinna ay ku dhex dhinteen toban shay oo sidii looga baahnaa aanan u dhaqan galinina. 1. Waxaad baratan kitaabkiii Alle  xaqiisana magudataan. 2. Waxaa sheegateen in aad jeceshihiin Rasuulka صلى الله عليه وسلم, sunadiisana waad katagtaan. 3. Waxaad aqrisaan kitaabka Alle kumana camal fashaan. 4.Nicmooyinka Alle ayaad cuntaan, mahadna ma celisaan. 5.Waxaad dhahdeen shaydaanku waa cadawgeyna hadana waa la rafiiqdaan. 6.Waxaad dhahdeen Janadu waa wax jira umana shaqaysataan. 7.Waxaad dhahdaan Naartu waa wax jira kamana carartaan. 8.Waxaad dhahdeen geeridu wa...

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa". Maalinbaa Nabi Ciise (N.N.R.H.R)  soo dhex maray dad meel fadhiya, kadib dadkii ayaa caay ula dhaqaaqay,markaas ayuu u duceeyay, hadana kuwa kale ayuu soo dhex maray,waa caayeen,isna isla sidii ayuu ugu duceeyay. Nin ka mid ah taageerayaashiisa(Xawaariyiintiisa) ayaaku yiri: "maxaad ugu ducaynaydaa saw laga ma yaabo inay umaleeeyan inaad raali katahay oo ay kugu sii dhiiradaan"? Nabi Ciise (N.N.K.H.) ayaa ku jawaabay "maya,saas maa ahan,qof kasta waxuu haysto oo xumaan ama wanaag ah  ayuu bixiyaa, ayaga xumaantooda ayay bixiyeen,anna wanaagayga ayaan bixinayaa"! Muhiim ma ahan inaad xumaan kasto oo ina-Aadane kaaga timaada aad xumaan kale ku gudddaa. Waxaad hayso oo wanaag ah inaad ku guddo ayaa habboon, jacayl iyo walaaltininana keeni karta.Hadaad rabtaanna akhriya hadalka Eebbahay ee ahaay: " ولا تستوي  الحسنة ولا السيئة اد فع بالتي هي أحسن فإذا الذي بينك وبينه عداوة كأنه ولي حميم.

Waa maxaay wehsi? Maxaa sababa wehsida? Sideen iskaga joojin karnaa? Maxaan ka faa’iidaynaa haddaan ka adkaanno wehsida?

Layaab    ayey leedahay inaan ognahay dhamaantayo in wehsidu xuntahay, waqtiga disho,dib u dhac sababto,astaan munaafaq tahay,hadana waa samaynaa markasta! HOWL NINKEEDII HADAAFOWYAHAY YAA HORMARIN KARA! “Waligaa dib ha u dhigin shey aad maanta qaban karto barri” Benjamin franklin. Waxaan rabaa   inaan qormadaan gaaban ku qaadadhigo waydiimahaan: Waa maxaay wehsi? Maxaa keena wehsida? Sideen iskaga joojin karaa? Maxaan ka faa’iidaya haddaan ka adkaado wehsida? Ugu horreyn waa maxaay wehsi? Wehsidu waa in aad howl kuutaallo aad ka tagto ama aad dib u dhigto   sabab la'aan. Tusaale: Waxaad rabtay inaad aqrido jus Qur’aan ah,ama inaad buug aqriso,ama inaad aaddo goobtaada shaqada,haddana waxaad kaga mashquushay arrin kale oon qorshaha kuugu jirin,sida inaad Internt gasho, ama inaad qabato howl kale oo macno la’aan ah. Maxaa sababa wehsida? Qodobadaan soosocda aya ah sababayaasha wehsida.  Aqoon la’aan : hadaadan aqoonin habka lo...

Sida loogu tababaro maskaxdaaadu inay wax kasto oo ay barato ay xasuusnaato...............(2-daqiiqo ku aqri).

Badanaa daku waxay jecelyihiin inay si dhaqsi ah wax u bartaan, waxay bartaanna ay xifdiyaan oo ay cilmigooda isticmaalaan waqtiga munaasabka ah oo ay u baahdaan balse sida xaqiiqada ah waan ilaawnaa waxbadan oo kamid ah waxa aan baranno. Waxaana nagu badan kalmadda ah: "waan bartay balse waa ilaabay" مررت ولا أدري. Ceeb nagu ma ahan hilmaamiddu hadan nahay ilmo-Aadan oo magacayna ayaaba ah "Hilmaame"( إنسان). Daraasadaha laga sameeyay arrintaan waxay barkood tibaaxayaan in haddii macluumadka cusub ee aad baratay aad sidooda uga gudubto adoon waxna ku samaynin in 24 saac Kadib xogtii cusbeed ee aad baratay 50% ay maqantahay. Culimada daraasayda Cilmu-Nafsiga waxay bidhaamiyeen in dhawrkaan qodob ee hoos ku qoran ay kaa saacidi Karan inaad macluumaadka cusub ee aad heshay aadan ilaabin,in muddo ahna xasuusta-dheer ay ku kaydsanaadan. Qodobka 1aad: Kucelcelin Kucelcelintu waa hab kamid ah habaka aad adeegsan karto markii aad rabto inaad macluumaadka aad hes...

Qof aadna qof ahaantiisa ku kalsooneyn ha u sheegan qorshahaaga.

Nin ayaa gabar jeclaaday, kadibna saaxibkiis ayuu u sheegay wuxuuna ku yiri: "sxbow gabar heblaayo ayaan rabaa inaan guursado ee war iga sii? Saaxibkii ayaa yiri: "war iska dhaaf khayr malahane,maalin hore ayaan arkay nin shuminaya oo Alla ku jecliyaa iyo sharafeeyda ku haaya"! Muddo kadib waxaa dhacday in saaxiibkii uu guursaday isla gabadhii awal waxa laga waydiiyay.Ninkii ayaa waydiyay saaxiibkiis su'aashaan:"war maxaa dhacay miyaadna maalin hore dhihin gabartaanu ma fiicno oo nin ayaa Shushuminaayay?! Haa,waan ku iri lakin ninka aan ku arkay asoo shuminaayo waxuu ahaay Aabaheed, adna ima waydiinin waadna iska carartay anna saas ayaana meel cidlaa uga helay. Dulucda sheekada:Qorshayaashada qof aadna qofnimadiisa ku qanacsaneyn ha u sheegan waxaa dhici karta in isla qorshahaas jaanis laga dhex arko kadibna laguu suuradxumeeyo. Docda kale, wax kasta ood maqashaa kashaki iskuna day inaad xaqiiqdooda hesho gun iyo baar, wax aadna ruuginna ha u gudbin qayb...

Daqiidahii u danbeeyey nolosha hooyadeey iyo sheekadii na dhex martay.

Image
"Nabad ahaaw oo meel fiican Alle ha ku geeyo"….. ayey ahayd kalmaddii ugu danbayday oo ay Hooyaday Macaan idhahdo. Aadaankii Saladda-subax ayaa la addimay, waan ka kacay si aan u soo guto waajibkaas.Intaanan kasoo bixin qolkayga ayaan maqlay dhawaqa qarax xoggan oo aan ku qayaasay inuusan naga dheerayn. Hadiiba waxaa kasoo kacay Hooyo oo bannanka usoo baxday si ay xaaladda u qiimaydo, waxaan ku kulunay bannanka hore ee guriga, Qaraxa ayaan iska warsanay xaalkiisa iyo halka aw noola egyahay. Waxaan ku laabtay qolkayga mar labaad, si aan shaati u soo qaato, waxaan soo baxay, waxaan arkay Hooyo oo aad  Alle u baryeysa, waxaa moddaa ruux lagu yiri oo kale "waxaad haystaa jaaniskii kuugu danbeeyay ee aduunyada ee Alle ku bari", waxaa kamid ahaay weeraha ay ku celcelinaysay:” ilaahayow Muslimka badbaadi, ilaahayow aakhiro hana cadaabin, ilahayow hana caraafin oo mushkiladaan naga dulqaad. Waan waysoqaatay, waxaana isku diyaariyay inaan aado masaajidka, markii aan al...