Dhibaatooyinka in lameereeyo waxay u baahantahay hoggaamiye fogaan arag ah.

Waa garoob heysata gabar aad u qurxoon oo ay raggu dhammaan farta iskula wada fiiqeen, ninkastana siduu ku heli lahaay halgan aw ugu jiro,balse gabarta helitaankeeda ayey ku xirtay Shardi adag oo ah "in maherkeedu yahay $50 milyan oo aan hal santi la reebeynin".

Wiil dhallinyaro ah ayaa go'aansaday inuu gabartaasi mar uun aw gacanta ku dhigo, shaqaystana si uu u helo lacagtaas faraha badan. Waxaw shaqeeyaba waxaw soo aruursaday lacag dhan $30 milyan .

Aabbihii ayuu lawadaagay "inuu rabo inuu guursado gabar meherkeedu yahay $50 milyan, $30 milyanna uu  hadda haysto... 

Aabihii: dhib malahan, xoolahaad hayso keen, nakicini aan aadno islaanta gabarta dhashaye.

Wiilkii: laakiin Aabbe,gabarta hooyadeed yeeli mayso wax ka yar $50 milyan ee seed rabtaa?

Aabbihii: nakeen adigu, Ilaahey ayaa xaajadaan yasiraayee.

Gurigii gabartu joogtay ayey aadeen. Salaan kaddib ayuu odagii lahadlay hooyadii dhashay gabrta yirina: waxaan rabaa Inaan kula hadlo oo aadna warkeyga soo dhexgalin ilaa aan ka dhameysto, Wiilkeeyga ayaan u rabaa gabartaada, $10-kaan milyanna waa maherkeeda.

Hooyadii iyadoo yaabban ayey tiri: sidee laakiin?!

Aabbihii: waxaan ku dhahay: warka ha iga dhexgalin ilaa aan ka dhemeysto,$10-kaan kalane adaa meher ahaan u leh si aad xaaskeyga u naqato.

Islaantii qosol ayey afka ku dhufatay waxayna tiri: laboodooda iyo labadaynaba Alle ha wada barakeeyo

Dariskeedii markii ay warsadeen sida ay uga tanaasushay go'aankeedii ahaay $50-ka milyanna waxay ugu jawaabtay: qiimaha lagado jumlada waa ka duwanyahay qiimaha tafaariiqda.

Wiilkii markuu waydiiyay aabbihii waxa uu ku sameynayo $10-ka milyan ee soo hartayna waxaw ku warceliyay: Hooyadaa ayaan maseyr tir uga dhigeynaa. 

Dhibaatooyinka in lameereeyo waxay u baahantahay hoggaamiye fogaan arag ah.

Comments

  1. Markaad Rabto inaad Guuleesato Waa inaa La timadaa Fakir Ka Wanagsan Kuwii Kaa Horeeyay

    ReplyDelete

Post a Comment

Mahadsanid walaal.

Popular posts from this blog

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".

A Month like no other

Nin waayeel ah ayaa ka sheekeeyay waxuu jeclaan jiray inuu nolosha ku dhex helo waxuuna yiri: