Waa maxaay wehsi? Maxaa sababa wehsida? Sideen iskaga joojin karnaa? Maxaan ka faa’iidaynaa haddaan ka adkaanno wehsida?
Layaab ayey leedahay inaan ognahay dhamaantayo in
wehsidu xuntahay, waqtiga disho,dib u dhac sababto,astaan munaafaq tahay,hadana
waa samaynaa markasta!HOWL NINKEEDII HADAAFOWYAHAY YAA HORMARIN KARA!
“Waligaa dib
ha u dhigin shey aad maanta qaban karto barri” Benjamin franklin.
Waxaan rabaa
inaan qormadaan gaaban ku qaadadhigo waydiimahaan:
Waa maxaay
wehsi? Maxaa keena wehsida? Sideen iskaga joojin karaa? Maxaan ka faa’iidaya
haddaan ka adkaado wehsida?
Ugu horreyn waa maxaay wehsi?
Wehsidu waa in aad howl kuutaallo aad ka tagto ama aad dib u
dhigto sabab la'aan.
Tusaale: Waxaad rabtay inaad aqrido jus Qur’aan ah,ama inaad buug aqriso,ama inaad aaddo goobtaada shaqada,haddana waxaad kaga mashquushay arrin kale
oon qorshaha kuugu jirin,sida inaad Internt gasho, ama inaad qabato howl kale oo macno la’aan ah.
Maxaa sababa wehsida?
Qodobadaan soosocda aya ah sababayaasha wehsida.
Aqoon la’aan: hadaadan aqoonin habka looqabto howsha ku hortalla waxaa fududaanaysa inaad wehsato.
Cabsi: inaad ka cabsto
inaad ku fashilanto howsha aad rabto inaad qabato,iyana waxay sababaysaa inaad wehsato.
Cudurdaar: cudurdaarashadu waa mid kamid
ah qodobada ugu waaweyn ee keena wehsida, waana inaad dhahdo berri ayaan
samaynaya,maanta maya.
Waa isla garanay qeexitaanka wehsida,tusalayaasheeda iyo waxa
keena, hadaba,waxaa iswaydiin mudan:sideen uga taqalusi karnaa wehsida?
Tallaabooyinkaan soosocda waxay kaa saacidaayaan inaad ka
taqalusto wehsida.
· Talo saaro Rabiga
markaaad go’aansanto inaad howl qabsato oo ka bari inuu ku waafajiyo howlahaaga
sida ugu hagaagsan.
· Maanta samee howlaha ku
horyaallo ee daruuriga ah,berrina hala sugin.
· Yeelo jadwal aad ku
kala hormariso howlaha ku horyaalla.
· Isku day inaad
huruddo ugu yaraan seddex-meelood maalintii ama 24-tii saacba.
· Ka fogaaw internet-ka
markii ay howli ku hortaallo.
· Saaxiibadaada kuwa ay
wehsidu la dagtay ka dheeraaw.
· sifiican u baro howsha aad rabto inaad qabato.
Maxaan ka faa’iidayna haddan ka taqalusno wehsida?
Seddexdaan faa’iido ee waawayn ayaan heleynaa haddaan ka taqalusno wehsida.
1. Waxaa naga yaraanaya walaaca: markasto oon wehsanno,ama markasto oo aan sugno hawl,waxaa nagu sii
badanaya walaaca. Tusaale hadii shaqo kuu taallo aad u dib dhigtid waqti kale
ilaa lagarayo waqtigaas kale waxaad ku
jiree xaalad walaac ah, balse hadii aad hawsha hore ka qabato, walaacaas isma
arkaysaan.
2. Shaqo wanaag: dadka
aan wehsan shaqadoda waxay u qabtaan si wax ku ool leh, waayo markaad shaqaynayso
adoo walaac la’aan ah, naftaadu waxay fursad kuu siinaysaa inaad si wax tar leh
hawsha u qabsato.
ugudanbeyn,waqtigeyna waxaan u
isticmaalaysnaa si waxtar leh oo dantayna u adeegta.
M.a qormo faidadeeda wadata
ReplyDelete