Daqiidahii u danbeeyey nolosha hooyadeey iyo sheekadii na dhex martay.
"Nabad ahaaw oo meel fiican Alle ha ku geeyo"….. ayey ahayd kalmaddii ugu danbayday oo ay Hooyaday Macaan idhahdo.
Aadaankii Saladda-subax ayaa la addimay, waan ka kacay si aan u soo guto waajibkaas.Intaanan kasoo bixin qolkayga ayaan maqlay dhawaqa qarax xoggan oo aan ku qayaasay inuusan naga dheerayn. Hadiiba waxaa kasoo kacay Hooyo oo bannanka usoo baxday si ay xaaladda u qiimaydo, waxaan ku kulunay bannanka hore ee guriga, Qaraxa ayaan iska warsanay xaalkiisa iyo halka aw noola egyahay.
Waxaan ku laabtay qolkayga mar labaad, si aan shaati u soo qaato, waxaan soo baxay, waxaan arkay Hooyo oo aad Alle u baryeysa, waxaa moddaa ruux lagu yiri oo kale "waxaad haystaa jaaniskii kuugu danbeeyay ee aduunyada ee Alle ku bari", waxaa kamid ahaay weeraha ay ku celcelinaysay:” ilaahayow Muslimka badbaadi, ilaahayow aakhiro hana cadaabin, ilahayow hana caraafin oo mushkiladaan naga dulqaad.
Waan waysoqaatay, waxaana isku diyaariyay inaan aado masaajidka, markii aan albaabka ka bixi rabo ayay igu tiri: Ma saladda ayaad aadee cabdiyow? Orod meel nabad ah tag ‘e, oo meel fiican Allaha ku geeyo 'e.
Saladdi ayaan kasoo baxay, waagu sifiican ayuu u caddaday, jawigu waa mid ceeryaamo leh, waa maalin kaloo cusub oo amuuraheeda wadato, waa Isniin taariikhduna ay ku beegantahay 8/8/2016.
Jidka intaan kusoo jiray ayaan anigu ruuxaygu aad u Alle tuugay, Duco umuuqatay jiscin oo aan Hooyo u marayay,Xaafaddii haddan kusoo naqday waxaan la kulmay Hooyo oo isku diyaarinayso inay aaddo goobteeda shaqada si ay quitul-yawmka noogu soo dhiciso, anigoon la hadlin ayaan qolkaygii gadaal u galay, labo daqiiqo kayar haddan is moogayn ayaan maqlay dhawaqa qarax kale oo aad u xoggan, waliba kii hore ka dhaw, oo xattaa firirkiisu qolkayga iigu yimid.
Jihadu waa Isla jihadii Hooyo u kalahday, waxaan kusoo orodnay dhankii dhawaqa ka yeeray, waxaan ku hor aragnay albaabkii ay garaceyday hortiisa arrin fajaciso ah oo aan maalintaan aanan filaynin qasabse ay naqatay inaad qadanno. Waa dhimashadii Hooyo macan, macallimaddi noloshayda, waa buuxiyihii booskii Aabe iyo Hooyoba oo uu maantay mawdku haleelay.
Inkastoo geeridu gartahay, haddana goortaan ma filaynin, waayo waxaan ahaay sanadkii iigu danbeeyay dugsiga sare, rajo badan ayaan ka qabay nolosha, sidoo kale rajo taa lamid ah ayay Hooyo igu qabtay maadama aan ahaay geed markii hore dhib lagu abuuray haatanse bisayl usii dhaw.
~Hooyo waan aqbalaay geeridaaada anoo ku kalsoon inaad Alle hortiisa caddalad ku heli doonto, si lamid ah soomalida sidaada oo kale u dhibaatawday.
~Hooyo waan aqbaly geeridaada anoo rajo badan ka qaba inaad Ahlu-janno tahay idamka Alle, maadama tawxiidku ahaay eraygii ugu danbeeyay ee aad ku dhawaqdo, si lamid ah ay kuu dhawrnayd waysadii saladda aad kusoo dukatay!
~Hooyo waan aqbalay geeridaada anoo ku kalsoon in juhdigii aad igalisay aad qabriga kudhex heli doonto.
~ Hooyo waan ku waayay lakin markasta waxaan niyadda ku dhistaa Ducadaadii.
~Hooyo ku bishaarayso inaan habiin kamid ah seddexdii sano oo aad mootaneed aanan seexan anoon Alle danbi dhaaf kuu waydiinin.
~Sidoo kale waxaad ku bishaaraysataa inaan halgankii haliiisa ka haaayo oo aanan ka saaqidin wax barashadii.
Aadbaan u booyayaa, waana waytadaada, hadana waxaan ku niyad samahay inaan markle midoobi doono.
Abaalkaada Lama gudi karo, oo waxaad lahayd labo xaq, kii Aabo-nimo iyo kii Hooyo-nimo, ee Ilaahay ha ku janeeyo, adiga iyo Hooyooyin badan oo Soomaliyeed oo sidaada u go'ay.
Nabadeey Nasro Cumareey, naxariista Rabbi ee ballaaran Rabbigeey haku dhex maquuriyo.
8/8/ 2019.

Sheekadaaan waxaan Facebook-gayga ku qoray 2019/8/8. 10000(tobon kun) oo qofood ka badan ayaana ka falcelisay. Dhamaan ducadooda Hooyo Allaha gaarsiiyo.
ReplyDeleteAllaha unaxariisto hooyo jannadaba abaalkeeda haka dhigo
Delete😥
ReplyDeleteAllow uraxmo