"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".
"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".
Maalinbaa Nabi Ciise (N.N.R.H.R) soo dhex maray dad meel fadhiya, kadib dadkii ayaa caay ula dhaqaaqay,markaas ayuu u duceeyay, hadana kuwa kale ayuu soo dhex maray,waa caayeen,isna isla sidii ayuu ugu duceeyay.
Nin ka mid ah taageerayaashiisa(Xawaariyiintiisa) ayaaku yiri: "maxaad ugu ducaynaydaa saw laga ma yaabo inay umaleeeyan inaad raali katahay oo ay kugu sii dhiiradaan"?
Nabi Ciise (N.N.K.H.) ayaa ku jawaabay "maya,saas maa ahan,qof kasta waxuu haysto oo xumaan ama wanaag ah ayuu bixiyaa, ayaga xumaantooda ayay bixiyeen,anna wanaagayga ayaan bixinayaa"!
Muhiim ma ahan inaad xumaan kasto oo ina-Aadane kaaga timaada aad xumaan kale ku gudddaa. Waxaad hayso oo wanaag ah inaad ku guddo ayaa habboon, jacayl iyo walaaltininana keeni karta.Hadaad rabtaanna akhriya hadalka Eebbahay ee ahaay: " ولا تستوي الحسنة ولا السيئة اد فع بالتي هي أحسن فإذا الذي بينك وبينه عداوة كأنه ولي حميم.

Comments
Post a Comment
Mahadsanid walaal.