Sheekadii jacayl Ee Daha Hussein
Daaha Hussain oo ahaay hormuudkii Suugaanta-Carbeed iyo xaaskiisa Suzanne Bresseau sheekadoodii jacayl waa mid kamid ah sheekooyinka sida wayn loogu dulmiyey taariilhda oo aan loo buunbuunin sida kuwa lamid ka ah ama ka hooseeyaba loo qaadqaaday.
Waxay ahayd sheeko jacayl oo aan dhici karin haddana hanaqaadday!
Labadoodaba aad ayey ukala duwanaayeen, haddana waxay ku geeleysteen abyidda xariir jacayl oo qaatay 56 sano.
Daaha Masar ayuu ka soo jeeday, iyaduna Faransiiska ayey ka soo jeedday, isagu Muslim ayuu aahaa,iyaduna waxay ahayd Masiixiyad haysta Diinta Kirishtanka.
Isagu waxaw ka dhashay qoys sabool ah oo faramaran, iyaduna waxay ka dhalatay qoys ladan oo dabaqadda sare kaga jira bulshadooda.
Intaas waxaa sii dheer inuu ahaay indhoole aan geedaha ka leexan karin,iyaduna ay aragga qabtay.
Sidaas iyaga oo ukala duwan oo aysan jirin meel ay haba yaraatee iskaga dhawyihiin ayuu xiriirkooda jacayl jiray muddo ku siman 56 sano. Miraha jacaylkooduna waxuu naqday iney helaan wiil iyo gabar lagu kala magacaabo Aniis iyo Amiinah.
Daaha dad aakhiraad hadduu ku biiray, Suzanne geedkii jacayl cidla ugama dhaqaajin ee waraabintiisa ayay isku hawshay, waxayna qortay buug ay kaga hadlayso sheekadoda jacayl waxayna magac uga dhigtay " Avec Toi" ( waan kula jiraaa).
Cutubka ugu danbeeya ee buugeeda waxay ku leedahay:
"Markasta jaal beynu ahayn, kaligeyn ayaan waqtiga wada qaadan jirnay,sidii aan iskugu dhawayn erayo aan ku tilmaamo ma heli karo, ilbiriqsiyadii ugu danbeeyey ee noloshiisa gacantayda ayaan ku soo qabtay, fooddiisa ayaan shumiyey, foddiisa iftiinkeedu arragaygu kama uusan dalaynin".
Suzanne aad iyo aad ayey u qurxooneed, haddana Daaha inkasta uusan maalin arkin iyada haddana waa jaclaaday, iyaduna isagoo indhoole ah ayey u qaaday jacayl xarkagoostay.
Mr. Hussein labada indhood ee gacalisadiisa ayuu addunyada ku arki jiray, wadnihiisa qol wayn eyey ku lahayd.
Waxuu ahaa jacayl naqday sidii laga rabay jacayl inuu naqdo, haddana aan loo qaadqaadin sidii aw u mudnaa in loo qaadqaado!.
Comments
Post a Comment
Mahadsanid walaal.