Caalimkii waynaa ee lagu magacaabi jirey Ibraahim Ibn Ad-ham (718 AD - 777 AD) ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid nin aqoon kororsi rabay.

Caalimkii waynaa ee lagu magacaabi jirey Ibraahim Ibn Ad-ham (718 AD - 777 AD) ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid nin aqoon kororsi rabay.

Ninkii ayaa yiri: wax "barako"la yiraahdo ma jiraan?

Ibraahiim ayaa ugu jawaabay: ma aragtay Ariga iyo Eeyaha?

Ninkii: haa waan arkay.

Ibraahim: yaa dhalmo badan?

Nikii: Eeyaha ayaa dhalmo badan, waayo halkii mar toddobo ayey dhali karaan, lakin Ariga dhalmadiisa seddex ayaa ugu badan.

Ibraahim: waayahaye,haddaad hareerahaaga fiiriso yaa ku badan Eeyahay iyo Ariga?

Ninkii: Ariga ayaa ku badan.

Ibraahim: saw arigu ma ahan kan maalin kasto la gawraco oo mindiyaha loo soofeysto?

Ninkii: Haa.

Ibraahim: barakada aad maqashay waa taas.

Nikii: sidey ku dhacday in Arigu barakadaas ay muteystaan oo ay Eeyuhuna waayaan?

Ibraahim: sababtu waxaa waaye, Arigu habiinkii xilli hore ayuu hurdaa, waaagu markuu baryayo oo ay raxmada Alle soo dageysana waa kaagacaa, markaasuu haleelaa barakada.

Lakin Eeyuhu, habiinkii oo dhan qaylo ayey ku jiraan, markuu waagu baryi rabo oo waqtiga barakadu soo dhawaatana waa ay hurdaan, sidaas ayeyna barakadii ku dhaaafaa!

Waxaan ku leeyhay marka: naftaada ku laabo, soojeedka badan habiinkiina Iska yarey haddusan muhiim aheyn;waxaa laga yaabaa in soojeedkaasi ku dhaafsiiyo waqtiga barakada iyo raxamadda Alle soo dageyso.


Comments

Popular posts from this blog

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".

Waa maxaay wehsi? Maxaa sababa wehsida? Sideen iskaga joojin karnaa? Maxaan ka faa’iidaynaa haddaan ka adkaanno wehsida?

Daqiidahii u danbeeyey nolosha hooyadeey iyo sheekadii na dhex martay.