Nin waayeel ah ayaa ka sheekeeyay waxuu jeclaan jiray inuu nolosha ku dhex helo waxuuna yiri:

Nin waayeel ah ayaa ka sheekeeyay waxuu jeclaan jiray inuu nolosha ku dhex helo waxuuna yiri:

Waxaan jecleystay inaan guursado, waa guursaday, nolosho awlaad la'aan nuur malahane,waxaan isla hadiiba rabooday inaan ilmo dhalo, waan dhalay ilmihii. Hdana guri la'aan ayaa igu dhacday.

Waaxaan hadana jecleystay inaan guri beer qurxoon leh yeesho, dhib iyo rafaad dheer kadib waan hantiyay guri qurxoon oo beer wanaagsan leh.Balse ilmihii ayaa ii qaangaaray.Hadana waxaan rabooday in awlaaddeydu guursadaan si faraceygu u bato, waa guursadeen. Balse anigii ayaa shaqadii igu adkaatay, daal badanna waa ila soo darsay.

Waxaan jecleysatay inaan iska fadhiisto si aan u nasto. Waan ka fadhiistay shaqadii,waxaan naqday mid fara marn oo aan waxba heynin sidii ahaay markaan Jaamacadda kabaxayey.Laakin sidu sidii maahan, markaan Jaamacadda ka baxayey Aduunyada ayaan xaggeeda u jeeday, se hadda ayada ayaa iga jeesatay!

Wali rabitaankii Igama dhamanin!

Waxaan rabooday inaan Quraanka xifdiyo balse waxaa igu dhacday Xasuus xumi!

Waxaan hadana rabooday inaan soomo laakin caafimaad xumo ayaan u soomi waayay!

Waxaa kale oo aan rabooday inaan dukado Salaatu-layl balse cagihii aan ku istaagi lahaay ayaan isaacidaynin. Dulqaadkii aan ku istaagi lahayna ma haayo!

Markaas baan soo xasuustay in Ergagii Eebbe (N.N.K.H) run uu sheegay markii  uu dhahayey:

Shan ka Faa'iideyso shan kale hortood:

Dhalinyaranimadaada intaadan gaboobin!

Caafimaadkaada intaadan bukoonin!

Qaninimadaada intaadan ceyrtaabin!

Firaaqadaaada intaadan mashquulin!

Noloshaada intaadan dhiman!

Comments

  1. runtii waaa qiso leh in lagu quus qaato lagana faaidysto intaad helaysid jaaniska dhalinyronimo

    ReplyDelete

Post a Comment

Mahadsanid walaal.

Popular posts from this blog

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".

Waa maxaay wehsi? Maxaa sababa wehsida? Sideen iskaga joojin karnaa? Maxaan ka faa’iidaynaa haddaan ka adkaanno wehsida?

Daqiidahii u danbeeyey nolosha hooyadeey iyo sheekadii na dhex martay.