Aad ayuu u mahadsanyahay.....

▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofkii inta hoteel caalami ah aaday aanan boggiisa  baraha-bulshada ksoo qorin hotelkaas inuu joogo.

▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofkii la kulmey qof caan ah oo aanan ka dalbanin inuu sawir la galo,si awsan dadka asxaabtiisa ah ugu muujinin inuu yahay qof muhiim ah.

▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofkii heysta xaas wanaagsan oo raalliya ah,barararaha-bulshadana aanan ku baahin xogteeda si aw u ilaaliyo qulubta kuwa aan sidisa ahayn. 

▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofkii ka shaqeeya xafiis aad u qurxoon oo ananan so sawirin asagoo ilaalinaya dareenka dadka aan xafiisyada ka shaqaynin.

▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay qofka mar kasta maqaayad wax ka cuna in ka badan inta aw gurigiisa wax oo aanan haddana ku baahin baraha-bulshada sawirada raashinka aw cuno.

▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay ruux markasta kaalmeeya masaakiinta oo aanan soo siwirin masakiintii aw wax taray.

▪︎ Aad ayuu u mahadsanyahay ruuxii dhalay awlaad badan oo wanaagsan haddana aanan baraha-bulshada ku baahin, si aw u ilaaliyo quluubta kuwa aan awlaadda haysanin. 

Aad ayaad u mahadsantihiin dhamaantiinna sida aad u ilaalisaan banii aaddanimada.

Comments

Popular posts from this blog

Caalimkii waynaa ee lagu magacaabi jirey Ibraahim Ibn Ad-ham (718 AD - 777 AD) ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid nin aqoon kororsi rabay.

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".