Maamulihii abaalka aan duugoobeynin ii galay
"Maamo, anaa kaa fudud oo xaafaddaada kuugu immaanaya galabta"ayuuna ugu jawaabay.
Galabkii ayuu guriga noogu yimid. Salaan iyo is baryeyn ka dib, hooyo ayaa ku tiri: Maamule, wiilkayga Cabdiraxmaan ah(aniga) oo aan hooyo iyo aabbe u ahay aniga ayaa waxbarashadiisa bixin jiray, waxaana igu adkaatay in aan qarashka waxbarashada ka sii bixiyo, waayo shaqo yar oo aan quudkiisa iyo waxbarashadiisa ku maareyn jiray ayaa iga soo xirantay, marka waxaan kuugu yeeray in aan kuu sheego duruuftaas nagu qasbi karta in uu wiilkeygu ka haro waxbarashadii aan darteed gobolka uga keenay.
Maamulihii ayaa ugu jawaabay: Maamo Nasro, dhici meyso in uu waxbarashada duruuf uga reebno arday sida Cabdiraxmaan oo kale u dadaalaya, aniga ayaana damaanadqaadaya waxbarashadiisa iskuulka iyo wixii kale oo ku cuslaada.
Hooyadeey oo leeb ku taagnaa laga siibay ayaa farxad la ilmeysay, maamulihiina ugu mahadnaqday abaalkiisa weyn. Aniguna sidaas ayaan ku dhamaystay Dugsugii Sare.
Ruuxa abaalkaas ii galay waa maamulihii iskoolkeyga, Dr. Yoonis Yuusuf Xareed oo fursad ii siiyay in aan iskuulka dhammeysto oo uusan ileyka waxbarashadu iga damin. Maamule, abaal aan duugoobeyn ayaan laabta kuugu hayaa. Alle hakaa abaalmariyo galladdii aad ii soo gashay xilli aan u baahnaa.
Comments
Post a Comment
Mahadsanid walaal.