Addunyo warkeed qof kaa wayn ka ag goob, Aakhiro warkeedna qof kaa cilmi badan.
Sida dadku dhahaan, Adduunyada waxaa laga warsadaa qofka kaa weyne Aakhirana kan kaa cilmiga badane, oday waayojoog ahaay ayaa lawaydiiyay maxaad ka bartay waayihii aad u soo joogtay"?
Markaas ayuu ku jawaabay sidaan:
-Waxaan bartay in Aduunyadu qiimaheedu tahay Diin iyo in lagu daydo dadkii wanaagsanaa ee horreeeyay.
- Waxaan bartay in qofka la dulmiyo uu mar aarsan doono, waqti dheerba ha ahaatee.
- Waxaan bartay in leebka loo game xagga Alle xilliyada danbe ee habiinka inuusan beel dare naqaneynin.
- Waxaan bartay in nolosho go'i karto il biriqsi kasta.
- Waxaan bartay hadalka macaan iyo wajiga furfuran inuu yahay akhlaaqda hoggaankeeda.
- Waxaan bartay in qofka ugu qanisan ee dul saaraan Adduunkaan uu yahay kan haysta caafimaad iyo nabad galyo.
- Waxaan bartay in qofkii talaasho tiin uusan timir guranaynin.
- Waxaan bartay in cumrigu dhamaanayo hawlaha Aduunyadana aysan dhamaaneynin.
- Waxaan bartay in qofkii rabo inay dadku dhagaystaan aw asigu marka hore dadka dhagaysto.
- Waxaan baratay in safarka lala safro dadka uu yahay waxa ugu habboon oo lagu ogaan karo dadka kartidooda.
- Waxaan bartay in kan jaahilka aw ku celceliyo "aniga aniga", asaga oo faaruq ah oo aan waxba heynin.
- Waxaan bartay in kan haysta Jab yar oo dahab ah aw waligii sidiisa ugu dhalaalayo dahabkiisa,balse kii bir haysta ay ka daxaloobayso.
- Waxaan bartay in kuwii aan ku soo duugnay xabaalaha ay ahaayeen kuwo ku mashquulsan howl Adduunyo, ballamana ay lahaayeen howlo badanna ay horyaaleen balse aysan xaqiijin howlahaas.
-Waxaan bartay in guriga la qaboojiyo, sariirro fiicfiican la dhigo, si aan ugu raaxaysano geerida-yar (hurdada),balse aanan qabriyadeyna ku qaboojin adeecid Alle iyo Alla kacabsi,camal wanaagsanna aan samaynin, si aan ugu diyaar garawno Geeridii-wayneed(dhimashada).

mahdsanid insha allah halkaas baynu ka wada socon!
ReplyDelete