Sida loogu tababaro maskaxdaaadu inay wax kasto oo ay barato ay xasuusnaato...............(2-daqiiqo ku aqri).


Badanaa daku waxay jecelyihiin inay si dhaqsi ah wax u bartaan, waxay bartaanna ay xifdiyaan oo ay cilmigooda isticmaalaan waqtiga munaasabka ah oo ay u baahdaan balse sida xaqiiqada ah waan ilaawnaa waxbadan oo kamid ah waxa aan baranno. Waxaana nagu badan kalmadda ah: "waan bartay balse waa ilaabay" مررت ولا أدري.

Ceeb nagu ma ahan hilmaamiddu hadan nahay ilmo-Aadan oo magacayna ayaaba ah "Hilmaame"( إنسان).

Daraasadaha laga sameeyay arrintaan waxay barkood tibaaxayaan in haddii macluumadka cusub ee aad baratay aad sidooda uga gudubto adoon waxna ku samaynin in 24 saac Kadib xogtii cusbeed ee aad baratay 50% ay maqantahay.

Culimada daraasayda Cilmu-Nafsiga waxay bidhaamiyeen in dhawrkaan qodob ee hoos ku qoran ay kaa saacidi Karan inaad macluumaadka cusub ee aad heshay aadan ilaabin,in muddo ahna xasuusta-dheer ay ku kaydsanaadan.

Qodobka 1aad: Kucelcelin

Kucelcelintu waa hab kamid ah habaka aad adeegsan karto markii aad rabto inaad macluumaadka aad heshay aad ku haysato xasuusta-dheer.Tusaale ahaan,markii aad akhrido buug kusoo jiita ood akhrintiisa aad ku raaxaysato intii aad iska tuiri lahayd dib u akhri marar badan, dib u akhrintaas waxay kaasacidaysaa inaad macluumaadka ku jira buugga aad ku kaydsato xasuusta-dheer.

Qodobka 2aad: Sharciga 50/50

Sharciga 50/50 waa hab kamid ah hababka la isticmaalo markaard rabto in macluumaadka aad heshay aad markasta xasuusnaato.Waqtigaaga barkiis waxaad u gooysaa inaad wax barato wax cusubna aad ogaato, barka kalane go'aanso inaad baahiso ood lawadaagto dadka wixii aad baratay.

Qodobka 3aad: Hurdo

Qodobka ugu danbeeya waa hurudda waana hab kamid ah habaka xogta loogu kaydiyo xasuusta-dheer.Huradada aad hurudda Kadib markaad macluumaadka aad hesho waxay kaa saacidaysaa inaad xogtaas xasuunaato in mundo ah, tan aad huruddaa ka hor intaadna xogta helinna waxay sare u qaaddaa awoodaada aad wax ku baran karto.

Dhawrkaan qodob haddii ladhaqangaliyo waxaan rajaynayaa in uu nagadhamaan doono hadalkii ahaay " bartay balse ilaabay.

Comments

  1. Qodobka saddexaad ayaa ah qodob aan tijaabiyay.
    Mahadsanid walal

    ReplyDelete
  2. wax badan ayaab ka faaiiday dhaman qodobada waa sax siday ila thy mahadsanid wll

    ReplyDelete
  3. Dhamaan way i anfaceen mahadaanid ustaad

    ReplyDelete

Post a Comment

Mahadsanid walaal.

Popular posts from this blog

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".

Waa maxaay wehsi? Maxaa sababa wehsida? Sideen iskaga joojin karnaa? Maxaan ka faa’iidaynaa haddaan ka adkaanno wehsida?

Daqiidahii u danbeeyey nolosha hooyadeey iyo sheekadii na dhex martay.