Qof aadna qof ahaantiisa ku kalsooneyn ha u sheegan qorshahaaga.

Nin ayaa gabar jeclaaday, kadibna saaxibkiis ayuu u sheegay wuxuuna ku yiri: "sxbow gabar heblaayo ayaan rabaa inaan guursado ee war iga sii?

Saaxibkii ayaa yiri: "war iska dhaaf khayr malahane,maalin hore ayaan arkay nin shuminaya oo Alla ku jecliyaa iyo sharafeeyda ku haaya"!


Muddo kadib waxaa dhacday in saaxiibkii uu guursaday isla gabadhii awal waxa laga waydiiyay.Ninkii ayaa waydiyay saaxiibkiis su'aashaan:"war maxaa dhacay miyaadna maalin hore dhihin gabartaanu ma fiicno oo nin ayaa Shushuminaayay?!


Haa,waan ku iri lakin ninka aan ku arkay asoo shuminaayo waxuu ahaay Aabaheed, adna ima waydiinin waadna iska carartay anna saas ayaana meel cidlaa uga helay.


Dulucda sheekada:Qorshayaashada qof aadna qofnimadiisa ku qanacsaneyn ha u sheegan waxaa dhici karta in isla qorshahaas jaanis laga dhex arko kadibna laguu suuradxumeeyo. Docda kale, wax kasta ood maqashaa kashaki iskuna day inaad xaqiiqdooda hesho gun iyo baar, wax aadna ruuginna ha u gudbin qaybta go'aan qaadashada ee maskaxdaada.


Comments

Popular posts from this blog

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".

Waa maxaay wehsi? Maxaa sababa wehsida? Sideen iskaga joojin karnaa? Maxaan ka faa’iidaynaa haddaan ka adkaanno wehsida?

Daqiidahii u danbeeyey nolosha hooyadeey iyo sheekadii na dhex martay.