Posts

Caalimkii waynaa ee lagu magacaabi jirey Ibraahim Ibn Ad-ham (718 AD - 777 AD) ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid nin aqoon kororsi rabay.

Caalimkii waynaa ee lagu magacaabi jirey Ibraahim Ibn Ad-ham (718 AD - 777 AD) ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid nin aqoon kororsi rabay. Ninkii ayaa yiri: wax "barako"la yiraahdo ma jiraan? Ibraahiim ayaa ugu jawaabay: ma aragtay Ariga iyo Eeyaha? Ninkii: haa waan arkay. Ibraahim: yaa dhalmo badan? Nikii: Eeyaha ayaa dhalmo badan, waayo halkii mar toddobo ayey dhali karaan, lakin Ariga dhalmadiisa seddex ayaa ugu badan. Ibraahim: waayahaye,haddaad hareerahaaga fiiriso yaa ku badan Eeyahay iyo Ariga? Ninkii: Ariga ayaa ku badan. Ibraahim: saw arigu ma ahan kan maalin kasto la gawraco oo mindiyaha loo soofeysto? Ninkii: Haa. Ibraahim: barakada aad maqashay waa taas. Nikii: sidey ku dhacday in Arigu barakadaas ay muteystaan oo ay Eeyuhuna waayaan? Ibraahim: sababtu waxaa waaye, Arigu habiinkii xilli hore ayuu hurdaa, waaagu markuu baryayo oo ay raxmada Alle soo dageysana waa kaagacaa, markaasuu haleelaa barakada. Lakin Eeyuhu, habiinkii oo d...

Addunyo warkeed qof kaa wayn ka ag goob, Aakhiro warkeedna qof kaa cilmi badan.

Image
Sida dadku dhahaan, Adduunyada waxaa laga warsadaa qofka kaa weyne Aakhirana kan kaa cilmiga badane, oday waayojoog ahaay ayaa lawaydiiyay maxaad ka bartay waayihii aad u soo joogtay"? Markaas ayuu ku jawaabay sidaan: -Waxaan bartay in Aduunyadu qiimaheedu tahay Diin iyo in lagu daydo  dadkii wanaagsanaa ee horreeeyay. - Waxaan bartay in qofka la dulmiyo uu  mar aarsan doono, waqti dheerba ha ahaatee.  - Waxaan bartay in leebka  loo game xagga Alle xilliyada danbe ee habiinka inuusan beel dare naqaneynin. - Waxaan bartay in nolosho go'i karto il biriqsi kasta. - Waxaan bartay hadalka macaan iyo wajiga furfuran inuu yahay akhlaaqda hoggaankeeda. - Waxaan bartay in qofka ugu qanisan ee dul saaraan Adduunkaan uu yahay kan haysta caafimaad iyo nabad galyo. - Waxaan bartay in qofkii talaasho tiin uusan timir guranaynin. - Waxaan bartay in cumrigu dhamaanayo hawlaha Aduunyadana aysan dhamaaneynin.  - Waxaan bartay in qofkii rabo inay dadku dhagayst...

Nin waayeel ah ayaa ka sheekeeyay waxuu jeclaan jiray inuu nolosha ku dhex helo waxuuna yiri:

Nin waayeel ah ayaa ka sheekeeyay waxuu jeclaan jiray inuu nolosha ku dhex helo waxuuna yiri: Waxaan jecleystay inaan guursado, waa guursaday, nolosho awlaad la'aan nuur malahane,waxaan isla hadiiba rabooday inaan ilmo dhalo, waan dhalay ilmihii. Hdana guri la'aan ayaa igu dhacday. Waaxaan hadana jecleystay inaan guri beer qurxoon leh yeesho, dhib iyo rafaad dheer kadib waan hantiyay guri qurxoon oo beer wanaagsan leh.Balse ilmihii ayaa ii qaangaaray.Hadana waxaan rabooday in awlaaddeydu guursadaan si faraceygu u bato, waa guursadeen. Balse anigii ayaa shaqadii igu adkaatay, daal badanna waa ila soo darsay. Waxaan jecleysatay inaan iska fadhiisto si aan u nasto. Waan ka fadhiistay shaqadii,waxaan naqday mid fara marn oo aan waxba heynin sidii ahaay markaan Jaamacadda kabaxayey.Laakin sidu sidii maahan, markaan Jaamacadda ka baxayey Aduunyada ayaan xaggeeda u jeeday, se hadda ayada ayaa iga jeesatay! Wali rabitaankii Igama dhamanin! Waxaan rabooday inaan Qur...

"Maxaa nagu dhacay oo loo aqbali la'yahay ducadeynna"?

"Maxaa nagu dhacay oo loo aqbali la'yahay ducadeyna"? Ibraahim Al-adhami (إبراهيم الادهم ) baa maalin soo maray suuq ku yaala magaalada Basra ee dhacda wadanka Ciraaq, markaas ayey dadkii meel aw joogay ku soo xoomeen waxayna waydiiyeen Su'aashaan ah:"maxaa nagu dhacay oo loo ajiibi la'yahay ducadeyna"? Waxaw ku jawabay: "waxa laydinkaga aqbali la'yahay waxaa waaye in qalbiyadiinna ay ku dhex dhinteen toban shay oo sidii looga baahnaa aanan u dhaqan galinina. 1. Waxaad baratan kitaabkiii Alle  xaqiisana magudataan. 2. Waxaa sheegateen in aad jeceshihiin Rasuulka صلى الله عليه وسلم, sunadiisana waad katagtaan. 3. Waxaad aqrisaan kitaabka Alle kumana camal fashaan. 4.Nicmooyinka Alle ayaad cuntaan, mahadna ma celisaan. 5.Waxaad dhahdeen shaydaanku waa cadawgeyna hadana waa la rafiiqdaan. 6.Waxaad dhahdeen Janadu waa wax jira umana shaqaysataan. 7.Waxaad dhahdaan Naartu waa wax jira kamana carartaan. 8.Waxaad dhahdeen geeridu wa...

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa". Maalinbaa Nabi Ciise (N.N.R.H.R)  soo dhex maray dad meel fadhiya, kadib dadkii ayaa caay ula dhaqaaqay,markaas ayuu u duceeyay, hadana kuwa kale ayuu soo dhex maray,waa caayeen,isna isla sidii ayuu ugu duceeyay. Nin ka mid ah taageerayaashiisa(Xawaariyiintiisa) ayaaku yiri: "maxaad ugu ducaynaydaa saw laga ma yaabo inay umaleeeyan inaad raali katahay oo ay kugu sii dhiiradaan"? Nabi Ciise (N.N.K.H.) ayaa ku jawaabay "maya,saas maa ahan,qof kasta waxuu haysto oo xumaan ama wanaag ah  ayuu bixiyaa, ayaga xumaantooda ayay bixiyeen,anna wanaagayga ayaan bixinayaa"! Muhiim ma ahan inaad xumaan kasto oo ina-Aadane kaaga timaada aad xumaan kale ku gudddaa. Waxaad hayso oo wanaag ah inaad ku guddo ayaa habboon, jacayl iyo walaaltininana keeni karta.Hadaad rabtaanna akhriya hadalka Eebbahay ee ahaay: " ولا تستوي  الحسنة ولا السيئة اد فع بالتي هي أحسن فإذا الذي بينك وبينه عداوة كأنه ولي حميم.

Waa maxaay wehsi? Maxaa sababa wehsida? Sideen iskaga joojin karnaa? Maxaan ka faa’iidaynaa haddaan ka adkaanno wehsida?

Layaab    ayey leedahay inaan ognahay dhamaantayo in wehsidu xuntahay, waqtiga disho,dib u dhac sababto,astaan munaafaq tahay,hadana waa samaynaa markasta! HOWL NINKEEDII HADAAFOWYAHAY YAA HORMARIN KARA! “Waligaa dib ha u dhigin shey aad maanta qaban karto barri” Benjamin franklin. Waxaan rabaa   inaan qormadaan gaaban ku qaadadhigo waydiimahaan: Waa maxaay wehsi? Maxaa keena wehsida? Sideen iskaga joojin karaa? Maxaan ka faa’iidaya haddaan ka adkaado wehsida? Ugu horreyn waa maxaay wehsi? Wehsidu waa in aad howl kuutaallo aad ka tagto ama aad dib u dhigto   sabab la'aan. Tusaale: Waxaad rabtay inaad aqrido jus Qur’aan ah,ama inaad buug aqriso,ama inaad aaddo goobtaada shaqada,haddana waxaad kaga mashquushay arrin kale oon qorshaha kuugu jirin,sida inaad Internt gasho, ama inaad qabato howl kale oo macno la’aan ah. Maxaa sababa wehsida? Qodobadaan soosocda aya ah sababayaasha wehsida.  Aqoon la’aan : hadaadan aqoonin habka lo...

Sida loogu tababaro maskaxdaaadu inay wax kasto oo ay barato ay xasuusnaato...............(2-daqiiqo ku aqri).

Badanaa daku waxay jecelyihiin inay si dhaqsi ah wax u bartaan, waxay bartaanna ay xifdiyaan oo ay cilmigooda isticmaalaan waqtiga munaasabka ah oo ay u baahdaan balse sida xaqiiqada ah waan ilaawnaa waxbadan oo kamid ah waxa aan baranno. Waxaana nagu badan kalmadda ah: "waan bartay balse waa ilaabay" مررت ولا أدري. Ceeb nagu ma ahan hilmaamiddu hadan nahay ilmo-Aadan oo magacayna ayaaba ah "Hilmaame"( إنسان). Daraasadaha laga sameeyay arrintaan waxay barkood tibaaxayaan in haddii macluumadka cusub ee aad baratay aad sidooda uga gudubto adoon waxna ku samaynin in 24 saac Kadib xogtii cusbeed ee aad baratay 50% ay maqantahay. Culimada daraasayda Cilmu-Nafsiga waxay bidhaamiyeen in dhawrkaan qodob ee hoos ku qoran ay kaa saacidi Karan inaad macluumaadka cusub ee aad heshay aadan ilaabin,in muddo ahna xasuusta-dheer ay ku kaydsanaadan. Qodobka 1aad: Kucelcelin Kucelcelintu waa hab kamid ah habaka aad adeegsan karto markii aad rabto inaad macluumaadka aad hes...

Qof aadna qof ahaantiisa ku kalsooneyn ha u sheegan qorshahaaga.

Nin ayaa gabar jeclaaday, kadibna saaxibkiis ayuu u sheegay wuxuuna ku yiri: "sxbow gabar heblaayo ayaan rabaa inaan guursado ee war iga sii? Saaxibkii ayaa yiri: "war iska dhaaf khayr malahane,maalin hore ayaan arkay nin shuminaya oo Alla ku jecliyaa iyo sharafeeyda ku haaya"! Muddo kadib waxaa dhacday in saaxiibkii uu guursaday isla gabadhii awal waxa laga waydiiyay.Ninkii ayaa waydiyay saaxiibkiis su'aashaan:"war maxaa dhacay miyaadna maalin hore dhihin gabartaanu ma fiicno oo nin ayaa Shushuminaayay?! Haa,waan ku iri lakin ninka aan ku arkay asoo shuminaayo waxuu ahaay Aabaheed, adna ima waydiinin waadna iska carartay anna saas ayaana meel cidlaa uga helay. Dulucda sheekada:Qorshayaashada qof aadna qofnimadiisa ku qanacsaneyn ha u sheegan waxaa dhici karta in isla qorshahaas jaanis laga dhex arko kadibna laguu suuradxumeeyo. Docda kale, wax kasta ood maqashaa kashaki iskuna day inaad xaqiiqdooda hesho gun iyo baar, wax aadna ruuginna ha u gudbin qayb...

Daqiidahii u danbeeyey nolosha hooyadeey iyo sheekadii na dhex martay.

Image
"Nabad ahaaw oo meel fiican Alle ha ku geeyo"….. ayey ahayd kalmaddii ugu danbayday oo ay Hooyaday Macaan idhahdo. Aadaankii Saladda-subax ayaa la addimay, waan ka kacay si aan u soo guto waajibkaas.Intaanan kasoo bixin qolkayga ayaan maqlay dhawaqa qarax xoggan oo aan ku qayaasay inuusan naga dheerayn. Hadiiba waxaa kasoo kacay Hooyo oo bannanka usoo baxday si ay xaaladda u qiimaydo, waxaan ku kulunay bannanka hore ee guriga, Qaraxa ayaan iska warsanay xaalkiisa iyo halka aw noola egyahay. Waxaan ku laabtay qolkayga mar labaad, si aan shaati u soo qaato, waxaan soo baxay, waxaan arkay Hooyo oo aad  Alle u baryeysa, waxaa moddaa ruux lagu yiri oo kale "waxaad haystaa jaaniskii kuugu danbeeyay ee aduunyada ee Alle ku bari", waxaa kamid ahaay weeraha ay ku celcelinaysay:” ilaahayow Muslimka badbaadi, ilaahayow aakhiro hana cadaabin, ilahayow hana caraafin oo mushkiladaan naga dulqaad. Waan waysoqaatay, waxaana isku diyaariyay inaan aado masaajidka, markii aan al...