Addunyo warkeed qof kaa wayn ka ag goob, Aakhiro warkeedna qof kaa cilmi badan.
Sida dadku dhahaan, Adduunyada waxaa laga warsadaa qofka kaa weyne Aakhirana kan kaa cilmiga badane, oday waayojoog ahaay ayaa lawaydiiyay maxaad ka bartay waayihii aad u soo joogtay"? Markaas ayuu ku jawaabay sidaan: -Waxaan bartay in Aduunyadu qiimaheedu tahay Diin iyo in lagu daydo dadkii wanaagsanaa ee horreeeyay. - Waxaan bartay in qofka la dulmiyo uu mar aarsan doono, waqti dheerba ha ahaatee. - Waxaan bartay in leebka loo game xagga Alle xilliyada danbe ee habiinka inuusan beel dare naqaneynin. - Waxaan bartay in nolosho go'i karto il biriqsi kasta. - Waxaan bartay hadalka macaan iyo wajiga furfuran inuu yahay akhlaaqda hoggaankeeda. - Waxaan bartay in qofka ugu qanisan ee dul saaraan Adduunkaan uu yahay kan haysta caafimaad iyo nabad galyo. - Waxaan bartay in qofkii talaasho tiin uusan timir guranaynin. - Waxaan bartay in cumrigu dhamaanayo hawlaha Aduunyadana aysan dhamaaneynin. - Waxaan bartay in qofkii rabo inay dadku dhagaystaan aw asigu ma