Posts

Showing posts from February, 2020

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa".

"Qof kastaba wuxuu hayo ayuu bixiyaa". Maalinbaa Nabi Ciise (N.N.R.H.R)  soo dhex maray dad meel fadhiya, kadib dadkii ayaa caay ula dhaqaaqay,markaas ayuu u duceeyay, hadana kuwa kale ayuu soo dhex maray,waa caayeen,isna isla sidii ayuu ugu duceeyay. Nin ka mid ah taageerayaashiisa(Xawaariyiintiisa) ayaaku yiri: "maxaad ugu ducaynaydaa saw laga ma yaabo inay umaleeeyan inaad raali katahay oo ay kugu sii dhiiradaan"? Nabi Ciise (N.N.K.H.) ayaa ku jawaabay "maya,saas maa ahan,qof kasta waxuu haysto oo xumaan ama wanaag ah  ayuu bixiyaa, ayaga xumaantooda ayay bixiyeen,anna wanaagayga ayaan bixinayaa"! Muhiim ma ahan inaad xumaan kasto oo ina-Aadane kaaga timaada aad xumaan kale ku gudddaa. Waxaad hayso oo wanaag ah inaad ku guddo ayaa habboon, jacayl iyo walaaltininana keeni karta.Hadaad rabtaanna akhriya hadalka Eebbahay ee ahaay: " ولا تستوي  الحسنة ولا السيئة اد فع بالتي هي أحسن فإذا الذي بينك وبينه عداوة كأنه ولي حميم.

Waa maxaay wehsi? Maxaa sababa wehsida? Sideen iskaga joojin karnaa? Maxaan ka faa’iidaynaa haddaan ka adkaanno wehsida?

Layaab    ayey leedahay inaan ognahay dhamaantayo in wehsidu xuntahay, waqtiga disho,dib u dhac sababto,astaan munaafaq tahay,hadana waa samaynaa markasta! HOWL NINKEEDII HADAAFOWYAHAY YAA HORMARIN KARA! “Waligaa dib ha u dhigin shey aad maanta qaban karto barri” Benjamin franklin. Waxaan rabaa   inaan qormadaan gaaban ku qaadadhigo waydiimahaan: Waa maxaay wehsi? Maxaa keena wehsida? Sideen iskaga joojin karaa? Maxaan ka faa’iidaya haddaan ka adkaado wehsida? Ugu horreyn waa maxaay wehsi? Wehsidu waa in aad howl kuutaallo aad ka tagto ama aad dib u dhigto   sabab la'aan. Tusaale: Waxaad rabtay inaad aqrido jus Qur’aan ah,ama inaad buug aqriso,ama inaad aaddo goobtaada shaqada,haddana waxaad kaga mashquushay arrin kale oon qorshaha kuugu jirin,sida inaad Internt gasho, ama inaad qabato howl kale oo macno la’aan ah. Maxaa sababa wehsida? Qodobadaan soosocda aya ah sababayaasha wehsida.  Aqoon la’aan : hadaadan aqoonin habka looqabto howsha ku hor