Posts

Showing posts from April, 2021

Maamulihii abaalka aan duugoobeynin ii galay

Image
Aabbahey ma arkin oo wuxuu geeriyooday anigoo hal sano jir ah. Hooyadey Alle ha u naxariisee ayaa halgan iyo duruuf adag igu soo korisay, waxna igu soo bartay. Markii aan  dhammeyay fasalkii labaad ee Dugsiga sare ayey hooyo awoodi waysay lacagtii waxbarashada oo aheyd $16. Subixii iskuulka la furayay ayay hooyo waxay taleefan ka wacday maamulaha iskuulka, waxayna ku tiri: Maamule, waxaan rabaa in aan kula wadaago xaalad culus oo i soo wajahday, oo aanan qarsan waayay ee goormee kuu imaadaa? "Maamo, anaa kaa fudud oo xaafaddaada kuugu immaanaya galabta"ayuuna ugu jawaabay. Galabkii ayuu guriga noogu yimid. Salaan iyo is baryeyn ka dib, hooyo ayaa ku tiri: Maamule, wiilkayga Cabdiraxmaan ah(aniga) oo aan hooyo iyo aabbe u ahay aniga ayaa waxbarashadiisa bixin jiray, waxaana igu adkaatay in aan qarashka waxbarashada ka sii bixiyo, waayo shaqo yar oo aan quudkiisa iyo waxbarashadiisa ku maareyn jiray ayaa iga soo xirantay, marka waxaan kuugu yeeray in aan kuu sheego duruuftaas n...